MUURMUURIS 2
14 Jan 2012 Leave a Comment
WAA GABAGII LABAAD EE KU SAABSANAA SUUGAANTII OO CABANAYSA KANA HADLAYSA SIDA FOOSHA XUN EE LOO TIRIYO IYO DADKII OO HEESIHII HORE LOO TIRIYEY CANJILAYA HALKII AY WAX CUSUB KEENI LAHAAYEEN.
SUUGAAN MID BAA NOO XIDHNAA MAALINTII HORE
MAANTANA HALKAY ILA MARTAAN MIISKA DHIGAYAAYE
MARA LI’I SIDII BAY U TAHAY AAN MARRIIN HELINE
AAN MARIYO MAHADHAY QABTAA MAARO LOO HELINE
WAXAY TIDHI MARKHAATAAD AHAYD MUDANE DOORKIIYE
MAYDHAANKA WAA TAAN LAHAA IMA MAQLAYSAANE
SIDII BAAN MADLUUN UGU JIRAA MURUGO TIICAAYE
MOODHAAQDA AY TIRINAYAAN WAYSKA MARIYAANE
NIN WALIBA INUU MUUQDO BUU MAANKA KU HAYAAYE
MAGACAYBE MAANTANA HADDII LAY MAKEEKIYAYE
MARABOOBTA YAA IGU FURFURA MARADA II JIIFTA
NIMAAN MEHERKU II QABAN AYAA LAY MAXLALAYAAYE
YARKII MAARAROOBAAYA EE MULAC KU QOOQAAYA
IYO MAWDKA KAA FILANAYAA WAABA KALA MAANE
MASRAX LAGU CAYAARAAN NOQDOO LAYSU MARAYAAYE
MIDHAHAA JAJABAN HEESAHAA LAYSKA MARINAAYO
MULAAQ HADALKA MIINLEY LA DILAY MEERISYADA LIITA
MACNAYARI MURTIDA GAABATIYO MU’ALIF KAA SHEEGTAY
MUKULAASHA HEESTIYO TUKAHA MEEL I FADHANAAYA
MOORYAAN I KALA JIIDATIYO GABAY MICIIN WAAYEY
MICIYAHA DHURWAAGIYO ANOO MALAW I LEEFAAYO
MIIDAAME GEERAARAYAA LOO MASHXARADAAYE
MALOOLIGA HADDII LAYGU DARAY MEEL XUN BAAN AHAYE
MIINLEYDA NIMANKII KUFSADAY WAABA MAQASHAANE
MASIIBAA WAKHTIGU IGU SALLIDAY MEESHA LAY DHIGAYE
KU MERGEDA WAXAY TIRINAYAAN MAANSO KALE DHEERE
MASAHII FANNAANNIMO NIMAAN MAWLE KU ABUURIN
OO KUU METELEY RUUX KALAA MIDIG LA SIIYAAYE
NIN WALIBA WUXUU SOO MACMALAY MAGAC KA DOONDOONYE
ISU MARE MAGOOL SHEEGATIYO MOOGE KAA JILAYE
WAA TAA MARCELIS HEESIHII MAXAMED QAADEENE
MASKAXDIYO ADOON QALI AQOON MADAXA HOOSTIISA
AMMA AAN CALOOLAHA MARMARAN MAYDHAQYADA JEEXIN
MINDIYAHA HADDAAD QAADATOO MAQAS LAGUU DHIIBO
OO MURUQA KALA XAABISIYO XIDIDADII MUUQDAY
MERGIYADA ADAA JARAY NINKAA MEESHA KUU WADHANE
ANIGANA MASAAR LAYLA DHACAY MURUQ I NAAFOWYE
YAA MAGTAYDA RAADSADA ANUU MEYD DHINTAAN AHAYE ?
MEEL KALE HADDAAN FIIRIYOO MAWJADAHA BAADHO
OO AAN HALKII LAYGA MUDAY MILILKA SIIDAAYO
OO AAN NINKAAN MAAGANAA MEESHA KU CADDEEYO
MADHAACAYNTA HEES AAD MARTIDAY KUUMA MEELMARINE
ADIGOO MARTIDA KUU FADHIDA MAGANE SOORAAYE
MADADAALI LEEDAHAY DADKAA MEESHA KULA JOOGA
OO MUUSIGGII HORE U JIREY KALA MACNAYNAAYA
MAAL UU NIN KALE LEEYAHAAD MACASHA HAYSAAYE
MISIGTII NIN KALE FEENTAY BAAD MARAQ KA DOONTAAYE
MOQORKII NIN KALE HEENSADAAD MAAX KA FILATAAYE
MASLAHA NIN KALE QAADAN JIREY MEEL HA SOO DHIGANNE
MARWADII NIN KALE GUURSADAAD MIDIGTA HAYSAAYE
TUUGOW MAREEGAALE BAAN KUU MALDAHAYAAYE
GOORTAAD MULLAAX DIIRATEE MUUDKA KA IDLAYSO
WAA MAYDHAX WAXA SOO HADHAA LAGU MURAATAAYE
HADDAAD MUUDSO LEEDAHAY CIDLAAD MALAFSANAYSAAYE
WAA TAA MURIYADDII LA SUDHAY MIIC HADDAY TIDHIYE
ANIGOO MACAANAA HADDAA MUUDSATEEN DACARE
ISKA MADADIYAAY WAA DAMBAA MURANKU DHEERAANNE.
QUFULKII WAKHTIGA
29 Oct 2010 Leave a Comment
in GABAY
Anigaa qalaadaaya oo qaylo taag bidaye
Qabyadii sidii aan u waday layla qaban waaye
Maantana waxaan qoonsadaan soo qadimayaaye
Kolley qaadanmaysee murtida waan u qubayaaye
Qushi hayla yaabtee waxa jira waanan qarinayne
Taariikhdu waa soo qorrayd taniyo Qaabiile
Wixii qalinka lagu weeraree qaafka lagu sheegay
Ma qalalin halkii lagu qarradhay qaabka nololeede
Qasnadaha waxaa lagu hayaa waa qalfoof hore e
Quraankaaba lagu sheegayaa qoonki nebi Nuuxe,
Qubuuraha kuwaa baadhayee qararka jeexaayey
Qoloftii Fircooniyo ka hele qaar horoo jiraye
Quruumii horee tegey haddaa qaar la soo fagaye
Qaaruun halkuu seexan jirey waaba qodayaane
Qalabkaynnu wada haysannee kuu qotomoy hoyga
Soo qode qabaal iyo sibraar qori fandhaalkiiye
Qorroggii waxaa loogu tegey qalanqal hoosaade
Qalabkaa gaboobiyo raggay daba qamaamayso
Waa quufla sheekada jirtiyo shay qaddiimiya e
Qarbad wuxu la noolaa SULDAAN qolo xormaysaaye
Boqorradan qardaafaaya ee qolo ku xoomayso
Qabqablaha Ugaas iyo Garaad qudhaca loo xaadho
Qaansadiyo leebkii intaan qori la soo saarin
Ee uunku wada qaawanaa laysna qalanaayey
Qarnigaa kuwii talinayaa qooqan caawana e
Qorraxdii dhacdaba noloshu waa qaabad gooniya e
Qufulkii wakhtigu kugu xidhaa qoobka kuu sudhane
Qoys waliba kii uu boqraday qaaqle soo dhuranye
Nin qabyaalad maamuusayoo qolo u heesaaya
Nimankaa qalwada loo goglee qaadhka lagu haysto
Ee kala qoqobayee bulshada qaarba magacsiiyey
Adduunyada horaa loo qubee waa qarsanayaane
Qaabkaad u nooshahay nin kale quudhsay waa hore e
Qanjidhkii bukoodiyo halkay qodaxi naafaysay
Qalliin baaba lagu fiiriyaa qoonta kaa hadhine
Qoqobaha intuu kuu fadhiyo qaybiyaha beeshu
Ee uu qalqaaliga mir kacay Qawdhan talinaayo
Qaxarkaa aduun baa ku jiri qaylo galabeede
Qaynuunka aadami dhigtiyo qaab kalaa jira e
Ninkii qaban karaayaa hor kac qoon iskaashada e
Qoomiyaddu waa wada jirkoo lays qadariyaaye
Marka laysu wada qayshadaa qaro la yeeshaaye
Isma qaban karaan dawladnimo qoliyo reer reere
Hadday kala qalootoo dan guud laysla qaban waayo
Qolo waliba kay dooratiyo Quulle dabaluuddo
Waa quraarad kala daadatiyo qurbyadeediiye
Qarannimo markii lagu fikiray quuste odayaale
Qudhunkiinna huursada illayn kama qashaaftaane
IDIL
11 Dec 2008 Leave a Comment
in GABAY
Arxan malaha Soomaalidaa ehel wadaagtaane
Asaaggaa markay wada dhinteen uurka maad geline
Odayada dhashoodii cunaa oodda noo rogaye
Arrinkoodu waa taagan yahay kama ajoodaane
waa uumanaa xaajadaan kuu alimayaaye
Dayaxaa ilays laga helaa nuurka oogta ahe
Oogada haddii uu ka tago madow ku aafeeye
Xiddigaha iftiimaa marbay aragga muujaane
Afdiinlaha markii laysku riday ololka duulaaya
Eebada markay wada ganeen aana kor u yeedhay
Afarqaadka socodkii ku nimi meel awow degine
Ayaxii markay kala tageen aade meel kale e
Uugaabadii gaaladay weli ag joogaane
Ilmihii kacaayiyo kuwaan orodka rooraynin
Waxa ay ku ababshaan dhallaan aanadii hore e
Alifkii quraankiyo intaan edebta loo sheegin
Abtirsiimadaa kala gurtaa uurka loo dhigiye
Utin buu la korayaa filkaa aarna sugayaaye
Abasadu markay nagu dhacdaan eegay taan degaye
Amxaar iyo hadday kala yihiin Irish iyo Gaana
Eeshiya kuwii degi jiriyo belo aguugaysa
Irbaddaynu kala qaadanaa Urubba kii yaalle
Ingiriiskan aan wada degnaa nama ikbaaraane
Albaabada markay noo fureen noo asxaan fale e
Alle ruux yaqaaniyo ninkii aayadaha diiday
Eedaanka kii yeedhiyiyo gaalka iman waayey
Asluubtiyo sharciga loo dhigay wada ilaashaane
Awrkaaga raro waa qurbaha aadka uu yahaye
Amuurtii haddaan lagu sallidin aradka Soomaali
Ololaha qabiiladu ku dhicin eelka nagu raagay
Ilihii Hargeysiyo Burciyo Awdal madaxeeda
Agagarka Laas qoray Togdheer idhanka Gaaroodi
Afka Ceel berdaaliyo toggaa bad u arooraaya
Aburiin agteediyo Gadhyogol aaggaa Faraweyne
Afmadow ishii Baydhabiyo webiga awleeya
Miduun baad ku soo ababilayd kuna ekaan layde
Ma og tahay Allaa kuu qadaray oolinkaad timiye
Illimaa haddaad joogi leyd odda Cali Aadan
Haddaad adhi ku racdiyo haddaad eyro celinayso
Oo aad ardaa seexatoo edeggu kuu muuqdo
Sidaasaa awowgaa ahaa kuna abuuraaye
Istareex ayaad joogi layd aaya nololeede
Urugaa i qabatoo halkani waa agoonnimo e
Arligii haddaad joogi layd obocda Xaabaale
Uubaale baad degi lahayd ila xidh doogweyne
Aqliyo waxaad taagi layd udub dhexaadkiiye
Alool baad ka soo xeeri layd uufta siigada e
Haddii ay abaaruhu dhacaan omos la daaqaayo
Oo oomanaan lagu jiroo roobku iman waayo
Aroorkiyo waxaad raaci layd awrta dhaanka ahe
Abeesaley biyaa laga cabbaad aayar dhuri layde
Markuu geelu uugabayee odda jebinaayo
Maqashaad ka soo ururinlayd aarankaa diliye
Irmaantaa laguu reebi laa adhaxda jiilaale
Aagaanta kaa kala go’daad unug samayn layde
Asal baad u soo diiri layd wuu udgoon yahaye
Ubbadiyo waxaad dhawri layd eeri kaa jaba e
Idihii dhalaayiyo haddaad adhi la maalaynin
Iniinyaha ayaad beerilayd soo awaal baxa e
Abaqaalka midhihii baxaad aayar jari layde
Arabikhi kolaad quudatoo aale kala jeexdo
Anfaaciga ma weydeen kolaad iibisaa xadhige
Iskuulkiyo haddaan lagugu darin alif la taagaayo
Itaalkaaga waad gadan lahayd aayadaa jira e
Adeegooyinkaad noqon lahayd waa adoo kale e
Ibtilada dhulkeennii jirtaa axan la feentaaye
Iyagoo afkoodii qalalay oonna socon waayey
Adhaxday ku qaadaan rasaas kuna adkeeyaane
Aakeega ay weheshadaan oofta kala gooye
Isirkii walaalaha noqdee oodda wada yaallay
Ololaha qabiil kama hadhaan ab iyo sheegsheege
Isu ure agoontii hadhee aabbahood dilaye
Idaajaa haddii lagu akhriyo Alamtaroo raacda
Adeerow ka joog kuma hakado awrka qooqaniye
Uurkaan ka ooyaa dadkani waa Allawsahale
Alhuumada kuwaa lagu salliday malaha iimaane
Ilxayiigtu way madhanayaan aayaatiin maleh e
Eedaadka Soomaalidiyo urur la’aantooda
Ugaadh bay yihiin meel cid la’a aar ku weeraraye
Ibta qoriga eebada la ganay oohin galabtiiya
Udahooda waa kaa dhurwaa cunay unuunkiiye
Ilbax waxay u haystaan markay ubadka laayaane
Imtixaanka noloshay beryahan la alwanaysaaye
Lama oga ujeedada wakhtiga ururso mooyaane
Ha irkigin adduunyada dhammaan iniba waa cayne
Meeshaan ugbaadiyo lahayn uriyo geed laaca
Abaar lama dugsado meel haddaan ini magoolayne
Abtirsiimo reer hebel markii iniba meel raacday
Naftu orodbay kugu aamintaa kuna itaashaaye
Abris halaqa iyo good intuu oodda miranaayo
Abaanduulihii ciidamada amarka siinaayo
Araaryaale goodiyo maskii aburka saydhaayo
Abees guda ukuli soo baxdiyo uurcadduhu jiifo
Aarkii dabooliyo shabeel ayda miranaayo
Ee uu ugaas talinayee ina ayay joogto
Indheer garatadii laga tegee adhigu faalloodo
Uf la yidhi aqoontii jirtiyo aragti tii fiican
Illinkay ka booddoo midnimo oohow laga waaye
Arooskaa qabiiladu gashee odayga loo guurshay
Ummushaa la sugayaa waxay eegga dhalilayde
Kol haddii dhulkaagii in yari eber ka siinayso
Aflagaaddo joogta ah dagaal arami reebaayo
Amikaarka Ruushkii ka tegey inan yar loo dhiibay
Ufadiyo colaaddii madfaca aydin socon waayey
Intay kugu adaadurin lahayd qolo orgooneysey
Ammaankaaga joog meeshanaa uunku wada yaalle.
DHIRBAAXO
11 Dec 2008 Leave a Comment
in GABAY
WAXA UU GABAYGU KU SAABSAN YAHAY DADKA QABIILKII
DHULKOODA KA SOO SAARAY EE QURBAHA HADANA KA WADA.
Dhayal looma tiriyoo murtidu dhaxal gal weeyaane
Dhuuntiyo hadday kuu fadhido laabta dhinaceeda
Ruuxay ku dhalataa hurdada wuu ku dhididaaye
Nin waliba halkay kaga dhacduu kaga dhawaaqaaye
Waataan dhanbaalkii murtida dhawr ku soo diraye
Dhaantada ninkii garanayaa dheesha haw tumo e
Dhoolkii hillaaciyo markay heego dhibic keento
Nin uun baa ka dhaansada intuu dhiisha buuxsado e
Ma dhadhamiyo ruux kale haddaan roob ku soo dhicine
Nin dhunkaal u oomani ma cuno dhaylo iyo soore
Dhawaaqayga wuu garanayaa ruuxa dhiiglihiye
Dhirbaaxada sokeeyaha markii laysu wada dhiibay
Dhababaca la roorkii markii dhinacba qaar aaday
Dhulshisheeye soo gaadh ninkii dhawr habben qadaye
Isagiyo dhashiishii markii dhinaca loo seexshay
Dhuuniga la quutiyo anfaco dheriga loo saaray
Dhaansaday calooshii intuu dhiico faras yeeshay
Dhaawaca halkii qoomanayd nabaradii dhoobay
Dheecaanku soo galay farii dhaqax la moodaayey
Dhudhumada qalloocsamay jilbaha dhaashi kala daalay
Dhabannada dalooshamay wejigu soo dhalaal celiyey
Dhoobada dagaalkii ninkii dhiigga laga maydhay
Dhawdii rasaastii ninkay dhego barjaysiisay
Dhawdhawlahii soo fakaday dhaanka muu furine
Soo dhigay ninkii dhimanayee gaalku dhaydhayey
Muu dhugan dhibtii soo martiyo dhoofka uu yimiye
Dhididkii markuu tiray hadduu dhararaqleeyaaye
Dhalanteedka soo maray ma oga dhalashadiisiiye
Dhaleecada adduunyada ma garan dhoorka loo sudhaye
Dhoohane waxii soo qabsaday dhaaf ismuu odhanne
Muu dhugan dhibtii soo martiyo dhabaqla roorkiiye
Dhiillada halkuu kaga yimee dhamacdu duuleysey
Dhankiisuu ka sii ololiyaa dhagar ku faanaaye
Ka dhaqaaq asaaggii intuu dhurayo reer reere
Waa dhabanahays xaajaduu weli dhamooqaaye
Dhufayskii ka muu bixin halkuu dhawr ku soo jiraye
Dhiriqdii qabiilkiyo ma hadhin haybta loo dhaxaye
Dhururida intay ururiyaan dhawrto lagu siiyey
Dhinacooda soo gade hubkiyo dhawle qorigiiye
Dhegahoodu way jecelyihiin dhiilladii timiye
Soomaalaay dhashaadii cuntoo dhuuxde ubadkiiye
Dhurwaagiyo waxaa dabagashaan dhawr ninkii dilaye
Dhibiiqiyo waxaad weheshataan dhoobley shilintiiye
Laga dhacan adduunyada halkaa dhiriq jafaysaane
Dhaqayada ninkii godol yidhaa dhiil ma buuxsado e
Dhaqan xumo ninkii tirinayey kula dhawaaqdaaye
Dhiidhii hadday moodayaan waa dhab taan idhiye
Nin dhadhaab u sheekaynayoo dhagax u heesaaya
Dhegaa laga furaysataan ahoo cidiba dhaadayne
Dhoorkaa idaaloo wakhtigu wayska dhalanteede
Ku dhadhabada qabiilada illayn kama dhergaysaane
ANSHAX
08 Dec 2008 Leave a Comment
in JIIFTO
| Waxa ay maansadani ku saabsan tahay markii lala dagaalamaayey taliskii dawladdii Siyaad Barre waxaanay soo baxday 1991kii. Murtiyahay afkaygiyo Uunkaan la noolahay Ninka aarsanaayee Aar waxad ku leedahay Anaa soo abraaroo Haddii aad arooriyo Astur waxaad ku leedahay Amran waxaad tidhaahaa Wakhtigaa amuurtiyo Arar yahay ka faallood Wakhtiyahaw abaartiyo Unkay oo ka dheelmaday Ubadii la buux shaay | |||||
GABBALDAYE
07 Dec 2008 Leave a Comment
in GABAY
Xaajada gondaha kaaga maran kuna gujaynaysa
Gocashada xanuunkiyo halkii gabay la ooyaysa
Geeraaradaa lagu sabaa guuxa aan hadhine
Anigoo guntiga lay xidhoo gabana oo liita
Geeloo arooriyo anoon ceelalyada gaadhin
Gurigiyo ardaagiyo anoo gudaha meeraysta
Gole laga cayaariyo anoon gabay ku dhaantaynin
Anigoo goshii hooyaday gama’lay seexsho
Gorofkiyo hadhuubkiyo anoon gudinta lay dhiibin
Geediga hayaanka ah anoo gurada lay saaro
Gobanimo la qaatiyo anoon garan wixii jooga
Lixdankii raggii ii gurmaday in gargaaraayey
Gacan baan u dirayaa ninkii guday xilkiiseeye
Soddoon guuro iyo waa guyaal gooshkan maanta ahe
Gogoshii kuwii baa fadhiya geedka loo dhigaye
Gaashaan la ciir baa na wada taniyo goortiiye
Gadhcaddaa haddii aad ahayd maanta waa gabaxe
Gahaydhkii magool saarayaan gawsku qabanayne
Gacayradu dhanaan maleh haddaad goyso duhurkiiye
Gocondhadu xanuun maleh intay geed ka lulataaye
Waxa guunyo loo sahamiyaa guriga daaqroone
Kama guro dadkeennii ninkii garasho dheeraaye
qofk kastaa marbuu hawlgabaa sharafna gaadhaaye
Oo uu gudoonshaa nin kale kii gadaal yimi
Anigiyo gankaygaba la diid inay guddoonshaane
Gafanahu wuxuu iiga lulan madaxa guudkiisa
Gabaarayda igu yaaciyee garabcas ii keenay
Ama ganafka lay yuururee layna gadanaayo
Gabbal daye wuxuu iga rabaan garan aqoon waayey !
Gole sare ninkii laga dhigee shicibku gaadhsiiyo
Goortii la doortiyo hadday gudubto taariikhdu
Gashi naguma yeeshee hadduu godob la meeraayo
Anaa lay golleeyahay war xumo beesha gelinaayo
Gurmadaay ka soo kaca tolkii galaw ku heesaayo
Garaadkii la diidyeey intaa gini la dhiibaayo
Garri laysu tumayee mid kale daba guclaynaayo
Waxa meesha lagu gaadayee looga go’i waayey
Ee geeska loo fiiqayaan garan aqoon waayey !
Amma geel la kala qaadi jirey gulufna raacaayey
Guri kii yagleelaba mid kale gurayey ooddiisa
Galka laga cabaayiyo biyaha maalku geli waayey
Gashi laysku yeeshiyo haddii talo gawaanraacdo
Garta Ina Sanweynaa yaqiin garashadeediiye
Goortaa la dhaafyoo adduun gelinba waa cayne
Immikaa waxii laysku galay gaalku naqayaaye
Guddoonshaha ayey wada rabaan loona go’ayaaye
Maantay gudoodiga ku tahay meel la garanayne
Haddii geesigii idin hor kaca gees la qaban waayo
Gaar loo tilmaamoo mid kale gawska dhiganaayo
Gujiyaay la leeyahay qabiil maaha gacalkaaye
Gacan laysu dhiibiyo hadday garasho kaa duusho
Go’a laysu tuuroo wanaag xadhigga loo gooyo
Garawshiiyahaa lagu socdaa lays af garan waayo
Adaa gabay inaad dawladnimo gaadho weligaaye
Gedaankay ka lulataa xornimo mana gargaartaane
Geyigoo samaadiyo ha filin guurti nabadeede
Gar la sheegoo gaagaabsi qolo geedka laga baano
Garoon lagu faqaayiyo xigaal garab is moodaaya
Oo kala go’aayoo hadana gees ku diriraaya
Ummaad garashadeedii luntoo gaabs talinaayo
Oday guraca taagiyo qabiil gadayo maankooda
Waxa goosan lagu doonayee gebi innoo diiday
gunnadaa la kala boobayee lasu garan waayey
Ee loo galaayuusayaan garan aqoon waayey !
Gabooyaha kuwaa ula baxdaan gacal ma moodaane
Garoon lagama soo qodin kuwaa gees u erideene
Garabrarato weeyaan nimaan guri u oodnayne
Guunyadu dhaqmaad male haddaan geedo loo heline
Gooddiga la daaqiyo markii geliga loo diiday
Waa inuu gantaalaha ridaa mulaca gaadaaye
Golfafaha ma deyn karo nimay gaajo dubataaye
Garanuugta cawshiyo hadduu goodir qalanaayo
Gorayada haddii uu eryado uma garawdaane
Gudimada ninkaa kuu tumee gaabsha timahaaga
Amma garac neef marinayee ganaca aad siiso
Gudis lama amaanine hablaha gooya hilibkooda
Girgiraha hadduu kuu xidhxidho waanad garanayne
Ima gayo ma guursado haddii laysu wada guuxay
Garaadkiinnu wuu fooraraa garanamaysaane
Gumeysigu kumuu badin waxaad yeeshay gobolkaaye
Adigiyo ninkaa kula gudboon nabarna gaadhsiisay
Gaar midab ah ruuxii leh baa lagu garbeeyaaye
Gabbal lagu tilmaamiyo haddii goobo lagu sheegay
Adiguba galaal baad qabtaa guudka oogada e
Adduunyada haddaad geli lahayd gaanka lagu noolyey
Garab shiilin gawaha la dhamo gol iyo laab raacda
Gasiin adi lagu doorayoo gooni loo kariyey
Gogoshaada may kala wadheen gaari loo diraye
Isna lama guhaadsheen intoo gooni loo diro e
Gommod lagu harraadiyo lafaa lama guddoonsheene
Gabno looma dhiijeen hashaan godolka qaadayne
Adigaa garaadada xidhee Guulle muu odhane
Garays waxaan u saaree nin kale gun ugu sheegaayo
Amma gob iyo faankeed yahaan garan aqoon waayey !
Markii dunida gaar loo dhigee Guulle kor u taagay
Gabaahiira waa tii ahayd gebi ahaanteede
Markii Aadan guudkeeda yimi Xaawa laga gooye
Tarankii iswada gaadhayee kala gaboobaayey
Tiro laguma soo guurin karo taniyo goortaase
Guuleed Warfaa iyo haddaad Geydhe marinayso
Guutaale waa laga tegee Carabta gaadhsiiso
Garooc baad ka sheegtee ma tirin guutadii hore e
Ummadii gaboobiyo kuwaa dunida guud jooga
Giddigood walaalaa tihiin gaanka aadmiga e
Gaalkaad sinaydeen ma ogid goobta uu dego
Gubadkii adaa baadhayee guure lagu dhaafe
giraantaa wakhtiga soo martee dib u geddoomaysa
Soomaalidaa garan taqaan geesta loo wado e
Waxaan hayb u sii gocanayee una god raacaayo
Ee gaamurkii ugu abtirin Guba la soo dhaafye
Gooryaanle ii noqonayaan garan aqoon waayey !
Inta lays gilgilayee madfaca laysu gelinaayo
Ee maamulkii loo guntaday guudka sare joogey
Waa kaa dhulkeenni galbaday xaalufkii gudhaye
Galoolkiyo maraagii haddii xididka loo gooyey
Oo aad gammuurteen dhirtii lana garaacaayo
Gabbood lama fadhiistoo dhulkii gelengel weeyaane
Gorofkiyo tigaaddii halkii geelu miranaayey
Gaashan dhiggaad ururiseen gaadhi marinaayo
Gawaantaa u oodaan nafluhu kuma guyeystaane
Gosha midhaha lagu soo ridiyo xabagta gaagaaban
Geel jire ma haybsado wuxuu gurayey hoobaan
Gooshiyo libaaxii sidii gorayga loo waayey
Guunyana inay kaa baxdaad galabta joogtaane
Geed uu fadhiistiyo markuu laanta geli waayey
Gorgorkii wuxuu kaaga tegey gaajo iyo oone
Gollidaa la dhaqayaa adaa gaabshay noloshiiye
Gabannada kacaayiyo kuwaa goor la dhali doono
Giriyaad ninkii uga tegow waa garoon madhan e
Gobblan talo adduunyooy maxaa gabay laguu sheegay.
HORMO WADE
05 Sep 2008 Leave a Comment
in GABAY
Waxa uu gabaygan ku saabsan yahay dhaqanka Soomaalida
ee aan isbedelin amma aan la jaan qaadin ummadaha kale,
waxaana ka mid ah noloshii miyaga ee ku dhisnayd dhaqankii hore
oo hadda ay ummaddu rabto in ay dawlad ku dhisaan.Madax dhaqameedyada
oo adduunku ka tegey laakiin soomalidu weli daba socoto.
Habka gabay higgaaddiyo naxwaha hilinka loo xaadhay
Nin waliba halkuu maaggan yahay wuu hummaajiyiye
Horaan kuugu sheegee murtida waa ka huruddaane
Intuu haraggu nool yahay maalaa igama hooydaane
Markaan hoyga aakhiro galaa ka hadli doontaane
Kamaad helin halkaan kula mariyo hadaladaydiiye
Hog daloola haadaan la qoday hul iyo meel jeexan
Haadaaqda waataan ka digey hoosta loo galaye
Adduunyadu hayaan bay ku jiri waana la hubaaye
Halkii uun ma taagnee wakhtigu waa hadhkoo kale e
Halkaad caawa joogtaa mid kale soo higsanayaaye
Soomaalaay habeen baad tahoo maad hanbaabirine
Adaa heetinaayee nin kale hiirta kaa durugye
Nin habaas butaystaan ahoo hawd dhex yuurura e
Hawadaa la marayaa anoo hooska jiifsada e
Hakashada waxaa kuugu wacan hor u kac kuu diiday
Amma hoos innoo dhigay malaa hadiba maysaane
Balaan kuu higgaadshee mar kale hooya taladayda
Hormo wade dadkoo hal iyo mida hayb u kala sooce
Boqor haarrinaayiyo Suldaan soo hor kaca beesha
Shaydaan hunduudiyo Garaad kama hawootaane
Ninka hadhaca loo xaadhayaa waa habkii tegeye
Adduunyadu horay uga martoo waa hayaan socode
Horaa looga jiitee adaa haysta weligaaye
Sawdigan Habtii weli ku jira hore wixii joogey
Illayn waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Habka dawlad lagu maamulaa lagu heshiiyaaye
Hurdankii sokeeyaha markay habar la yeedhayso
Odayaasha hootada la koray hadal ka dhawrayso
Iyagoo harraadkii melmeley haro biyii laacday
Oo aan hadhuudh iyo bariis hoyga lagu sheegin
Hubka laba dhacaayiyo rasaas holac ka duulaayo
Hoobiyaha ninkii soo rogaa waw habeen dhalade
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Dagaal huriye haybtuu noqdiyo haanka lagu sheego
Halyey buu u yahay reerka dhalay kun hagoogtaane
Haawiya hadduu gala yidhaa waa hinqanayaane
Ma hubsado hacoogii qabiil soo hoggaan baraye
Isagoo halaag iyo ku wada hawker iyo dhiillo
Hoorrigu ninkiisii u kacay waw halgamayaaye
Hareeraha waxay uga socdaan hiilla ugu deeqi
Ee ay u wada heeggan tahay waa hoggaanshaha e
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Hoolifloow libaax iyo shabeel soo hunduda kaynta
Bahalaha hadaafiyo kuway shiishu qarinayso
Haylaha mid kuu gala maskiyo hararka qaar jiifa
Hurgumada abeeskiyo intuu halaqu kaa laayey
Amma uu harraad dilay markuu hawd ku macaluulay
Haddii aan hareer dhigo intii hanaqa aad goysey
Amma hanaddo kaa tegey adaa hoos u gawracaye
Iyagaa hubaashii ka badan tan iyo Haabiile
Hilbahiinna cuna uumiyuhu idinku haasawye
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Hinqashada qaxoontiga markay kala huleelayso
Haweenkiyo carruurtii markuu hugun ka yeedhaayo
Hooyadu baroortii markay hoogay kor u yeedho
Ee ay hengelihii caddaa hayle wada qaaddo
Haad soo gableeyiyo dhurwaa hilibka uu feento
Ayaa heello wiirsiga mid kale soo halaanhaliye
Huuhuuda faankiyo markuu habacu faanaayo
Oo hebel anaa dilay mid kale ku hindiwaasaayo
Haasaawahaa laga guraa lagu habsaamaaye
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Hanti iyo dhaqmaad xoolihii hibo laguu siiyey
Haldhaagiyo biciidkii kuwii hawdka miranaayey
Kaymaha hadoodilan kuwii hadhaca joogjoogey
Hariiryaalihii goodirkii hoobte deeradiye
Haaruun faciisaa rogmaday heeliyaan dhalanne
Holholkii kamaad jarin midkay heertay qodaxdiiye
Hurunshaha baxaayiyo markuu holacu soo gaadhay
Dhulka haawanaayiyo dhirtaa cidi hanbaynaynin
Ma hadhsado hadhaagii baxsaday habar dugaaggiiye
Haarriye ugaadhii markay halasa jiidheene
Hunguuftiga ka oogsade markaa harag u tuurteene
Haankaa u goyseen naflii waana haayiraye
Ka huleel hayiin iyo dayiin hud iyo ceelkiiye
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
QALALAASE
19 Nov 2007 Leave a Comment
in JIIFTO
Qiiqiyo wareerkiyo
Qaxarkaa daweeyoo
Qaabkay u socotiyo
Qisadeennu yaab lehe
Qubuuraha maxaa jira?
Kolka lays qanjaafee
Tani kala qaxaysee
Qarfe laysu jiifsado
Quudkii la waayee
Qaadiro hamaansiga
Qadoodiga ku seexdaan
Qori kii cuskanayee
Qaadi waayey laafyaha
Laga qaxo nin litee
Quban yahay dadweynii
Qunyar joogsan waayoo
Qoollaali socodkii
Qamuunyaysi daymada
Qabqablaha u soo baxa
Qaraxiyo hubsiiyee
Qaybinaaya ololkaa
Loo wada qushuucaa
Qalloocay wadaagaan
Isma qabato weeyaan.
Ma qatoobo ruuxii
Ku quraacday dhaydoo
Marka lays qalaayey
Isu qayshataayoo
Qorigiyo rasaastay
Isu qaadataayoo
Marka qawdu yeedhaa
Rag qadaynayaayoo
Qosol raaciyaanoo
Marka qoonsimaad dhaco
Quduraaba joogtoo
Qilaafaad markuu jiro
Ninba qolo ku toosyoo
Quruumii wixii jirey
Qaantii la kala galay
Kama quusto reerkii
Qaalmii la kala dhacay
Laga qaaday geeloo
Qabqab dhaafa mooyee
Nabad lagu ma qooqee
Waa maxay qasuubadu?
Qawaaniinta aadmigu
Maba qabanayaanoo
Nin qabiil ku faanoo
Ka hadlaaya qaaxad
Qabqableeya mooyee
Qunyar socod la diidyoo
Qaraxaad ku nooshayee
Miyaad qaran u dhawdahay ?
Sawdigan is kala qubay
U quturay xigaalkaa
Qoqobaha ku kala jira
Qabiilkii wax kuu yahay
Quruumaa adduunyada
Qorraxdaa la marayaa
Qayrkaa la beretemi?
Maxay quruxi kuu tahay ?
Ubadkaaga qaawani
Qadhqadhyada habeenkii
Qayd laguma seexdoo
Qolqol laguma dheeloo
Qashinkii la tuuriyo
Qodaxdaa mudaysoo
Qarshadaa ku jabiseen
Qoobkay wareentaye
Qosol maadigaa kara ?
Ado qalay walaalkaa
Qoyskii aqoon yahay
Qatan tahay carruurtii
Qormaday hadhsanayeen
Lagu qubay madaafiic
Qudhacii hadhsanayaan
Qandho ay u dheertahay
Illayn quduro yaab leh
Qallashay dhirtaadii
Qod dhacaaya mooyee
Miyaa qori ku beertaan
Qararida ayaa jaray
Ma qonbobay galoolkii
Qawlkii miyuu baxay
In uu qiiqo mooyee
Maxaad ula qabweyn tahay?
Adoo qiiqa soo shiday
maantana qaxoontiya
Qormadaada soo gubay
Qarni hore wixii jirey
Qoloqolo ogsoonoo
Qaar qaar la kala yahay
Sawdigan qamaamka ah
Qarafaysanaayee
Quruumii adduunyadu
Qaxwahii inoo shubay
Halkaad qodi lahayd beer
Qarahiyo hadhuudhkii
Quudkii ka falilayd
Quwad waxaad u leedahay
Qormo xuuxa kula dega
Qabiil kula wadaagine
Dhulka qaaradaa jira
Qoloqolo markay tahay
Qoqobaynnu leenoo
Qaybteennu waa mide
Sawkaa qindhicilkii
kugu soo qamaamee
qarka soo jafaayee
Kugu qubay madaafiic
Hablahaaga qaysaday
Haddii aan isqalanoo
Qabiil dhaafi weydaan
Wallee qoomamaa xigi
Qoon kale ayaa degi
Qaadanaaya taan ogey.
DHURDE
15 Mar 2007 Leave a Comment
in JIIFTO
ASTAAMAHA QABIILISTAHA
SUUGAANTU WAA DHIBIC
DHOOL KUGU HIILLAACOO
RUUXAY KU DHALATAA
DHAFOORADU KU DAALOO
DHINACYADA HABEENKII
DHAB U SEEXANMAAYEE
ADDUUNYADU DHIB WEEYEE
DHALANTEEDKA WAAYAHA
NIN QABIIL KU DHAATOO
DHAMAY CAANAHEEDII
DHAKAFAARKA HAWLAHA
WAA TAAD U DHALATEE
DHURDE WELI MA KULANTEEN?
FAALLADA DHEXTAALKA LE
MARKUU DHINACA KAA GALO
KUGU SOO DHAWAADE
DHALASHADA WADAAGTAAN
DHIIGGAAGA SHEEGTE
DHAXALKIISA KUU QORO
MALLA DHAYGAGTAAYOO
DHABANNADU MA DAALAAN
MISE DHOOBADUU QODAY
DHIRIQDIYO WARKIISAA
ADIGUNA LA DHUUGTAA
DHABAQAAD LA GURATAA
LAMA DHUUNTO SHEEKOO
XIDIDA DHEXDOODIYO
DHIIGGAY WADAAN BAA
QOLO AY DHEX JIIFTAA
MARKUU REER DHARKAYNIYO
ILMA DHUUX GALOOLIYO
KALA DHIGAYO QOYSYADA
DHUXULUHU CIDDUU YAHAY
KA HADLAAYO DHIIDHII
NIN DHUNKAAL U OOMANI
KU DHAWAA HALKIISEE
MAKA DHAWRATAAYOO
DHAQAAQ MAYSKU DAYDAA?
MISE DHICIRTA UU SHIDAY
KU DHAMOOQAY WAABAY
DHADHAMADA MA DIIDIDE
ADNA WAAD LA DHUUQDAA
DHEGAHAA WAR DOONOO
DHOOSHAAD CADDAYSAA
DHIKH DHIKH BAAD U CELISAA?
MARKUU FAANKA DHAAR BADAN
KU DHEXTAALO SHEEKADA
SOOMAALI KALA DHIGO
KA U DHEERNA UU YAHAY
INTA KALE DHUL JIIFIYO
DHAMAYS AAN HABEEN KICIN
KU TILMAAMO DHOOBADA
MAKA DHABABACAYSAA
DUKUSAAD MA SOCOTAA?
MISE WAAD U DHAWDOO
DHINACII QABIILKIYO
DHALASHAAD OGSOONTOO
ADIGUNA MA DHAANTIDE
DHOOJAARTU UU QUBAY
DHINACAAD U QABATAA
DHOSOGGIYO WUXUU WADAO
ADNA WAAD LA DHURANTAA
SHEEKADA LA DHUUXDAA?
KAFTAN LAYSKU DHIIDHIYO
RUNTU AY KA DHEER TAHAY
MARKA LAYSUU DHIIBEE
GEELII LA DHICI JIREY
ANNAGAA DHAMAYNOO
CUDUD DHAABAN BAAN AHAY
DHIMASHADU NAMAY HELIN
IYO DHOOBI BAAN DILEY
DHUDI YARAD KAMAAN BIXIN
BIYIHII DHANAANAA
AJADII LA DHURI JIREY
DHAANKAYGA MOOYEE
DHEGLEY RUUX KAMUU DARIN
DHIIDHIIDA KUU WADO
MIYAAD DHOLOTANKIISIYO
DHAGARTII HORUU GALAY
AMA KUU DHALEECAYN
DHOGORTAADU DIIDDAA?
MISE HADALKA TUU DHIMAY
IYO DHARARAQDIISAAD
ADIGUNA DHAMMAYSAA
NACAM UGU DHAWAAQDAA?
MARKA LAYS DHIRBAAXEE
DHIMASHADA SOKEEYAA
SOOMAALI DHIILLIYO
DHAGAX TUURKU UU JIRO
DHIIGGII WALAALNIMO
LAGU DHAASHANAAYEE
DHIRTU AY ILMAYSEE
DHADDIGIYO HAWEEENKII
DHIXIRKII KA SIIBAAN
MAYDKII DURWAA CUNO
DHABBAA LOO HADLAAYOO
RUNTA LAMA DHADHAABEE
DHIMASHADA ASAAGGII
IYO DHAAWACUU TIRIN
DHIBTA WUU OGSOONYOO
DHMACDII HURAYSUU
DHUXULAHA KU TUURAA
DHURANKIYO SIDUU RABO
DHURDE FAALLADIISII
DHAB MIYAAD U DIIDDAA
MURAN BAAD U DHIIBTAA?
MISE WAAD LA DHUUXDAA
SHEEKADA MIDUU DHIMAY
AMMA DHAAFAY BAAD ODHAN?
DHINACAY U SOCOTIYO
MA DHADHAMISAY MAANSADA
DURDE WAAN TILMAAMEE
ADIGUNA IS DHAWROO
MIISAANKA DHINACIYO
DHANKEE BAAD KA TAALLAA?
MA KU DHAADATAA QOLO?
MIYAAD DHEGA DHEGAYSAA?
DHUUXEEDA LEEFTAA?
MA KA DHIIJISAA DACAR?
MA KU DHAASHATAA REER?
INTA AAN DHALIIL IDHI
HADDAY KULA DHANAAN TAHAY
DHAQ MIYAAD IS LEEDAHAY?
DHAQAN XUMO DARAADDEED
DHULKA QODAX AYAA TAAL
DHAWDHAWLE REER WADA
IYO DHIRRI GELIYAA
DHUUN GAAB WATAA JIRA
ISMA DHAANTO SHEEKADA
KANAA REER DHINBIILIYO
KII REER DHARAARIYO
DHAREERKII QABIILADU
KA DHACAAYO BAA BADAN
ALL DHUXUN KU REEBIYO
ODAY DHAARANAAYOO
DHIMASHADA KA YAABAYN
DHALLINYARO DAGAALIYO
U DHISAAYA TII HORE
SIDA DHIIG SOKEEYIYO
DHAGAR LOOGU MAYDHOO
NA DHIBAAYA BAA BADAN
DHAMAC RAAGTEY WEEYAAN
DHAWAAQII WANAAGSANI
DHEGADOODU DIIDOO
KAMA DHAADHACAAYEE
MAANIGAA DHADHAABIYO
DHAGAX TUUJINAAYOO
DHUUXAAYA MEEL MADHAN
DHIDAARKII SALAADDII
DHARAQDHOON LA SOO KACAY
GOORTUU DHARAARSADAY
RAG KA DHIGAN AYAA JIRA
DHOOHANE SIDUU QABO
DHIKILAHA BIYAA QUBAY
DHINACYADU DALOOLAAN
KUWA DHAAMINAAYOO
U DHARDHAARAYAA BADAN
DHAQANOW BA’A WEEYAAN
DALMAR
14 Mar 2007 Leave a Comment
in JIIFTO
Maansadani waxay ku saabsan tahay qurbaha iyo halkgankii lagu riday dawladdii Siyaad Barre waxaanay ahayd sannadkii 1990.
Inkastoon dabuub gabay
Hadallada dahsoonee
Damaqiyo xanuunka leh
Iska diiday waa hore
Maansada dareenka ah
Hadba ducaducayniyo
Daandaansi badanaa
Afka lama daboolee
Debno ooman baa jira
Maskaxduna ma daashee
Hadal ducasho badanaa
Deeleyda heestuna
Dawankeedu dheeraa
Anigoo doc jiifoo
Dermadii la ii dhigay
Darafkeeda dhaafayn
Sow daadah may odhan
Oo dibedda soo baro
Miyaan dalandal socodkii
Dudadii ma joogine
Weli duulayaayoo
Durkiyoo tallaabada
Dacalkii adduunkiyo
Dabadiisa aan imi
Dalmar weeye magacay
Anigiyo da’daydaba
Maa laa Daayinkaa baday
Kala daadsanaantiyo
Debedaha warggee
Dalqalaad wanaag ma leh
Derejiyo sarrayn ma leh
Deris iyo xigaal ma leh
Dugsi iyo gabbood ma leh
Ninka dani ka haysow
Adigiyo damiirkaa
Debed joogga yeelkaa
Carab dirashadeediyo
Dafiraadda yeelkaa
Gaal kuu darraadiyo
Digsi maydhka yeelkaa
Ducadiyo samaantana
Wuxuu Daayin yeeliyo
Wuxuu diido yeelkeen
Inagaa danteeniyo
Garan weyney dawgee
U darsaday dhulkaygii
Waxaan tebey daruurii
Dusha iga hadhayn jirey
Iyo diillintii Gurey
Dabshidkii hadduu galo
Dogboyada ma tuurroo
Lama oga diraaciyo
Dayr iyo xagaayoo
Dardhad weeye meeshani
Ma deggani ma duulani
Tolow daalku waa maxay?
Ma dillani manaan dagan
Duuga weeye xaajadu
Nin dabayshadaan ahay
Anigiyo dirkayguba
Dawrsiga shisheeyaha
Kuwa door bidaan nahay
Dabagiije waa kuma ?
Hooyadii dagaal geli
Isna doonni soo raac
Anigaa ka sii daran
Damac wuxuu i leeyahay
Doqonyahaw qurbaha joog
Anna diiday maan odhan
Isagiyo dareenbaa
Dacwadoodi joogtaa
Doodiina noo furan
Diintii Islaamkiyo
Dhaqankii diciifyoo
Afkii hooyo duugaw
Dibna looma qaban karo
Labadii isdoortee
Isu doonanayd iyo
Laba deris ahayd
Laba daarad wada tiil
Dahabiyo dhasheedii
Kala dide dadweynii
Markuu dulinku soo baxay
Dooxii Hargeysiyo
Burco daafaheedii
Dusha Ceerigaabiyo
Dacallada Nugaaleed
Degmo qudha ayaa tiin
Ummad yahay dantiiniyo
Dirir baa u joogtaan
Dulmigiyo dhibaatada
Haddii aad ka diirteen
Kana digigixooteen
Xaqaagii la duudsiyey
U dagaalamaysaan
Daal iyo harradiyo
Diihaal ku nooshiin
Weli daalin baa jira
Rag danaysta baa badan
Dire dire dadweynaa
Habar Habar nin doonoo
Sunta daadiyaa nool
Wixii dilay awowgii
Dulcad dhigay asaaggii
Dulmigiyo qabiilada
Nin u daacadaa jira
Hadaan laga digtoonaan
Oo layska dala’sado
Dunqulaalka uu shido
Dibbaa looga sheekayn
Degmadaa ku nooshiin
Haddii daad ku soo jabo
Ma dabaalanaysaan
Daranyadiyo gaajada
Diihaalka caydheed
Waallee kama dawowdaan
Nacabkii ku dooxiyo
Ninkii daarta kaa ridey
Duunyadaa kii dhacay
Dulinkii ku soo cunay
Kama diirsataan abid.